Uncategorized

Xaflad ay soo abuubushayJaaliyada Somaliland ee Uk (SSUK) oo kulmisay Siyaasiin Aqoon yahano Xisbiyada qaranka oo ka dhacday London

London 8April13 (SDN) Waxa habeenkii Xaflay ka dhacaday caasimada wadanka Uk Xaflad aad loo soo abaabulay oo ku saabsanayd isku soo dhawaynta bulshada Somaliland .Waxana soo abaabulay Jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan uk wana marki u horaysya oo kulan noocana oo kale ka dhaco oo lagu midaysan yahay , waxaana ka soo qayb galay dhammaan 3 Xisbi Qaran , madax ka tirsan ururkii Xaqsoor oo uu hogaminayo siyaasiga Maxamed Ibraahim Qabo , Wakiilka Somaliland u fadhiya UK , Agaasimaha TV Qaran Khadar Maxamed Gaas , Wasiiro hore , saxafada somaliland ee ka hawlgala Uk , Cuqaasha Somaliland , Culimo , Aqoon-yahanno, Madaxda Ururada Somaliland ee UK , Shakhsiyaad u dooda qadiyadda Somaliland , Madax ka tirsan ururkii SNM , Dumar iyo qurbajoogga reer Somaliland ee UK . Waxay ahayd mid shucuub wanaagsani ka muuqatay oo lagaga hadlay sii xoojinta iyo wada shaqaynta ummadda Somaliland. xafladan ayaa waxa lagu furay aayado quranka kariimka , ka dib waxa lagu soo dhawayey gudoomiyaha jaaliyada somaliland ee uk Mudane Cabdala oo ka hadlay wax qabadkii jaaliyada mudadii ay jirtay iyo isaga oo shegay in ay tahay in maanta la dar dargaliyo jaaliyada iyada oo loo kala fadhiyo koox koox oo maanta la mideeyo jaaliyada waxa iyana goobta ka hadlay sadexda xisbi qaran oo ku dheraaday in la mideeyo jaaliyada lana dar dar galiyo wada jirka iyo wada wax qabsiga Mudane Maxamed Shiine oo ah Gudoomiyaha xisbiga Ucid ee Uk ayaa ku dheerada ahmiyada ay leedahay wada jirka iyo isku xidhka jaaliyada iyo xisbiyada iyo in ay tageersan yihiin goaankii madaxwaynaha ee wada hadalka somaliya iyo somalilnd kana qayb gali donaa Mudaharadka ka dhici dona birxsol. waxa iyana ka hadlay xisbiga wadani iyo kulmiye , waxa goobta ka hadaly oo si xoog leh loo soo dhaweyey siyaasiga Maxamed Ibraahim Qabo oo ku dheraday Midnimada somaliland iyo qarinamada kana hadlay ururkii xaqsoor iyo inay aminsan yihiin qadiyada somaliland taas oo dad badan uu shaki ku jiray ka saray gabagabadii ayaa waxa la goaansaday in la mideeyo jaaliyada lagana qayb galo Mudaharadka lagu qaban doono Berxsel ee dalka Baljiga.

Xafiiska wararka Qurbejoog.com

Uk London