Uncategorized

Mario Balotelli Oo Lagu Qabtay Isagoo Sigaar Ku Cabaya Musqusha Tareen Ay AC Milan Ku Safreysay Sabtidii

AC Milan ayaa lagu wadaa in ay ganaaxdo Mario Balotelli kaddib markii weeraryahankaasi uu sigaar ku dhex cabay Musqusha Tareenkii ay ugu safrayeen Magaalada Florence halkaasi oo ay kula ciyaareen Axadii Kooxda Fiorentina.

Warbaahinta Talyaaniga ayaa baahiyay in 22-sano jirkan kooxda ay diyaar u tahay in ay talaabo ka qaado madama uu sigaar ku dhex cabay Tareenkii ay ugu safrayeen Florence halkaasi oo ay barbaro ku la soo galeen kooxda Viola.

Madaxweyne Ku-xigeenka AC Milan Adriano Galliani ayaa la socday Tareenka taasi oo xaalada sii xumeysay.

Da’yarka M’Baye Niang ayaa ku wargaliyay Galliani in uu Balotelli sigaar ku cabayo Musqusha Tareenkii ay la socdeen.

Balotelli ayaa tan iyo sidii uu ugu soo biiray kooxda AC Milan waxaa uu u dhaliyay goolal badan laakiin tani ayaa ka mid noqoneysa caqabadaha xidigani uu la yimaado.