Hargeysa April, 8, 2013 (SDN)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa wareegto ka soosaaray ururinta iyo iibinta iskaraabka dalka.
Qoraalkan oo uu maanta soosaaray, waxa uu ku amray in guddiga Qandaraasyadu ay qiimeeyaan, isla markaana ay tartan furan oo xalaal ah geliyaan iibinta iskaraabka, wuxuuna qoraalkaasi u dhignaa sidan; “Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta soo saaray wareegto madaxweyne oo sumadeeduna tahay JSL/M/WM/222-1694/042013. Wareegtadaas oo ah Soo Ururinta iyo Iibinta Iskaraabka Dalka.
Wareegto Madaxweyne:-
Mudaneyaal iyo Marwooyin.
Iskaraabka Dalku waxa uu ka mid yahay hantida guud ee Dalka, waxaana mas’uul ka ah Dawladda-dhexe sida ku tilmaaman Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland Qodobka 12aad.
Dawladda-dhexe ayaa xilka saaran yahay qorshaynta iyo in sida ugu habboon looga faa’iidaysto Iskaraabka. Haddaba, waxa aan farayaa Wasaaraddaha ay wareegtadani sida tooska ugu socoto inay guddi farsamo u saaraan soo ururinta dhammaan iskaraabka Dalka.
Sidoo kale, waxa aan farayaa Guddida Qandaraasyada Qaranka inay qiimeeyaan iskaraabka, mariyaanna nidaamka qandaraasyada Qaranka, isla markaana u bandhigaan suuqa xorta ah (Tartan xor ah iyo qandaraas furan), iyaga oo la-kaashanaya Wasaaraddaha hawshan ku hawlan.
Sidaas darteed, dhammaan wixii dhaqaale ka soo baxa waxa lagu maal-gelin doonnaa Ciidammada kala duwan ee Qaranka, waxaanna dhaqaalahan lagu shubi doonnaa qasnadda Dawladda, iyada oo la raacayo hab-maamulka Wasaaradda Maaliyadda.
FIIRA-GAAR AH: wixii dhaqaale ka soo baxa Markabka yaala Dekedda Lughaya, waxa si gaar ah loogu horumarin doonnaa Dekedda Lughaya, waxaanna la marin doonnaa iibintiisa nidaamka aan kor ku soo xusay.”
Qurbejoog.com, Hargeysa
