Hargaysa 15.April (SDN) Fadhigii Golaha Guurtida ee Maanta ayaa Waxaay Muddo Laba Sanno ah u kordhiyeen Golaha Wakiilada oo Muddo Xilloodkoodii ku egyahay Bisha May ee Sandkan, waxaa kale oo Muddo Labba Sanno ah u kordhiyeen Golahooda oo Wakhtigu kaga egyahay Sanandka 2014, iyada oo muddo Hal Sanno ah ay ka danbeyn doonan Doorashada Golaha wakiilada oo ay Cayimeen in ay Qabsoonto Bisha May ee 2015, HalkaGolaha Guurida Doorashadooda ay ugu tallo galeen in ay Qabsoonto Bisha May 2016.
Fadhigan Maanta Waxaa Shirguddominayey Guddomiyaha Golaha Guuritda Somaliland Md.Saleeban Maxamud Aadan ayaa waxaa kale oo lagu doortay in Guddomiye Ku-xigeenka Kowaad oo uu dhawan uu ka geeriyooday Marxuun Sheekh Axmed Sheekh Nuux Furre, Waxaan Jagaadasi Cod Aqlabiyed ah loogu Codeyey Siciid Maxamed Cilmi oo ahaa Guddomiye Kuxigeenka Labbad ee Golahaasi, waxaana Cod aqlabiyad ah ku Ogolaaday 69Mudane, halka uu ka Aamunsay Hal Mudane, Cid Diidanayna may jirin Guddomiyuhuna muu Codeynin, Waxaana Fadhigaasi Fadhiyey 71Xildhibaan.
Geesta kalena Gudoomiye ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf “Cali Guray” ayaa ku dooday inay Xaaraan tahay Mudo kordhinta ay Guurtidu u sameeyeen Golaha Wakiilada oo uu ku sifeeyay kuwo aan ka Turjumin danaha Ummadii soo dooratay isla markaana ay ka daran yihiin Sida uu Yidhi Xukuumada Talada Haysa .
Waa Markii Labaad ee Golaha Guurtidu Mudo Kordhin u sameeyo Golaha Wakiilada oo ay Shacabka Somaliland soo doorteen dabayaaqadii Sannadkii 2005tii.
Hargaysa SDN.
qurbejoog,com
