Uncategorized

UK iyo Q/M oo ka hadlay Qarayadii Shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho

London April 15 2013 (SDN)— Xoghayaha arimaha dibada dalka Ingiriiska William Hague,war uu soo saaray wuxuu si weyn ugu dhaleeceeyay weerarkii shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho,kaasi oo ay siwadajir ah ay ugu geeriyoodeen dad shacab ah kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.

Wuxuuna ku baaqay xoghayaha arimaha dibada dalka Britain William Hague in dhamaan dadkii ka danbeeyay weerarkii shalay la horkeeno Cadaalada,isagoona ku eedeeyay Mas’uuliyadiisa Al-shabaab oo dowlada ka horjeeda.

“Waxaan si xoogan u canbaarenaya weerarkii argagixiso ee Muqdisho ka dhacay”,sidaasi waxa sheegay xoghayaha arimaha dibada Ingiriiska.Sidoo kale Mr William Hague ayaa isagoo hadalkiisa siiwata wuxuu intaasi raaciyay in ficilka Argagixisada wali Soomaaliya uu ku danbeeyay sida uu hadalka u dhigay,islamarkaana shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay taxadaraan.

Ugu danbeyntii dowlada Britain iyo Beesha Caalamka ayaa si wadajir ah waxay wacad ugu mareen inay Soomaaliya ka caawin doonaan Gaaritaanka Nabad waarta,horumarka iyo la dagaalanka Al-shabaab.

Dhanka kale Qaramada Midoobay ayaa dhankeeda ka cambaareysay Weerarkii shalay ee lagu qaaday Xarunta Maxkamada gobolka Banaadir.

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Augostin Mahiga ayaa ka dib maqlitaankii weerarkii shalay ka dib soo saaray war ku aadan waxii dhacay,isagoona Naxdin ku tilmaamay arinkaasi.

Danjiraha ayaa codkiisa ku biiriyay dhamaan Mas’uuliyiintii Canbaaresay,wuxuuna dusha Edeyntiisa kaga tuuray Al-shabaab.

Wuxuu tacsi u diray dhamaan dadkii geeriyooday Ehaladooda,isagoona ku baaqay in la garab istaago xukuumada Soomaaliya oo iminka wajaheysa caqabadooyin ka hor imaanaya hanaanka Nabada ah ay dooneyso inay dalka ku hogaamiso.

Hayeeshee,warkaan ka soo kala baxay Ingiriiska iyo Xafiiska UNPOS ee Soomaaliya ayaa ku soo aadaya,iyadoo shalay weerar isugu jiray ismiidaamin iyo israsaaseyn ka dhacay Muqdisho,kaasi oo ay u dhaxesay Al-shabaab iyo ciidamada dowlada Soomaaliya.