Uncategorized

War baahiyihii Weynaa ee Radio Hargaysa oo Todobaad Hawada ka Maqan,Danayn La’aanta Xukuumada. (Dhagayso Weedhihii Furitaanka Warlaliyahan Agaasimaha Guud ee Warfaafinta Vs Madaxweyne Siilaanyo)

Hargaysa 06.May (SDN) Waxaa Todobaad u buuxsamayaa Mudadii uu War laliyihii Weynaa ee Idaacada Radio Hargaysa Hawada ka Maqan yahay,Kadib Markii ay Ku Timid Cilad Saamixi Wayday inuu Shaqadiisa sii Wato.

Warlaliyahan oo Mudo bilo ah Shaqaynayay,dhaqaale badanina uu kaga baxay dawlada isla markaana ay Madaxda Wasaarada Warfaafintu Sheegeen in Mudo Shan Sanno ah hadii ay Wax Cilad ahi ku Timaado ay Shirkadii laga soo Iibsaday Mas’uuliyada dayactirkiisa Xil qaaday ayaa Waxaa dhinaca kale soo baxaya Warar Tilmaamaya in War laliyahan oo awoodiisu dhan tahay  100kwt,Aanu haba Yaraatee Wadan Ama la Socon hal Shay oo Spar Part ah,oo hadii ay Mushkiladi la soo deristo lagu Xalin karo .

 

Sidoo kale Madaxda ugu Saraysa Wasaarada Warfaafinta Gaar ahaan Wasiirka iyo Wasiir ku Xigeenka ayaa Warar Xog ogaal ahi u Xaqiijiyeen Shabakada Qurbejoog.com inaanay ka soo Xaadirin Goobta uu Yaalo War Laliyahani oo ah Meel aan Konton Talaabo ka fogayn Xafiiska Wasiirka Warfaafinta.

 

Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo hogaamiyo oo dadaal badan u gashay Sidii ay u rumayn lahayd keenitaanka Idaacad dalkoo wada gaadha ayaa Waxaa dhinaca kale ka Muuqda inay dayacnaan badan ku samaysay War laliyahan oo faa’iido weyn ugu fadhiya Somaliland isla markaana ah ah ka ay ku jaangoynayso hannaanka Wareed, Wacyigelineed & Waanaba wixii looga duulayo, ee  bulshada danahooda dhaqan/dhaqaale iyo himilooyinkoodana ka turjumaya.

 

Warar lagu Kalsoon yahay ayaa Tibaaxaya in Wasaarada Maaliyadu dhagaha ka furaysatay dalab uga Tagay Madaxda Warfaafinta ee ku shaqada leh Cod baahiyahan kuna Codsanayeen in loo fasaxo Kharashaadka fududaynaya sidii loo keeni lahaa Engineeradii laga soo iibsaday War laliyahan kuwaas oo loo baahan yahay in loo diro kharashka Fiisayaasha ay ku soo ambo baxayaan oo ah Xil saaran Wasaarada Warfaafinta,Hasa Yeeshee Waxa uu Warku intaas ku darayaa in Ganacsade u dhashay Somaliland oo Ku nool Wadanka Chine uu Engineeradan ka soo bixiyay Kharashkii ay ku tagi lahaayeen Somaliland ,Taas oo Ceeb ku ah Milgaha Dawladnimo .

Sidoo kale Wasaarada Warfaafinta ayaa Miisaaniyad Sanadeedka Qaranka ee 2013 waxaan ugu Jirin dhamaan kharashaadkii lagu socodsiin lahaa Idaacada Weyn haday noqoto Iibsiga Barnaamijyo,Qalab,Daryeelka Shaqaalaha Gacanta ku haya War laliyahan oo ay Sharci ay tahay in Maadaama ay ku Guda Jiraan Meel uu ku badan Yahay Shucaaca Radiation RF,Saamayna ku yeesha Caafimaadkooda ay Waahib tahay  inay Helaan Caano Joogto ah iyo Daawayn .

Warku waxa uu intaas ku darayaa in Xukuumada Gaar ahaan Wasaarada Maaliyadu ay taas badalkeeda u heelan tahay Telefishanka Qaranka oo Wixii baahi ah ee uu soo Gudbiyo deg deg loogu Fasaxo.

Dhinaca kale ka Maqnaanshaha Hawada ee Codka Idaacada Dawlada ee Radio Hargaysa uu dhalinayaa Inay Weydo dhagaystayaal badan oo hore ugu Xidhnaa,Sidoo kale waxay Canbaar aan la Mahadin ku noqon doontaa Dawlada uu Hogaamiyo Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo dadaalkii ay Gashay uu Midho dhalkiisu ku danbayn doono hal bacaad lagu lisay.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/WARLALIYAHA.mp3″]

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com