Uncategorized

Wasiirka Ganacsiga oo Xadhiga ka jaray Dhismayaal Xafiisyo ah oo lagu soo Kordhiyay Wasaaradiisa {DHAGAYSO}

Hargaysa 06.May (SDN)  Wasiirka Wasaarada Ganacsiga ee Somaliland Mudane C.risaaq Khaliif Axmed ayaa maanta Xadhiga ka jaray Dhisme ay hay’ada USAID u Samaysay Wasaarada Ganacsiga.

Munaasibada Xadhig ka jarista dhismahan waxaa ka qayb galay Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Qaranka,Agaasimaha Guud ee Wasaarada Ganacsiga,Saraakiil ka socotay hay’adaha USAID Iyo DIA oo fulinaysay dhismahan.

Madaxa Qaybta Maalgashiga ee Hay’ada USAID Aadan Ismaaciil oo Halkaasi ka hadlay ayaa Tilmaamay in dhismahan ay ugu talo galeen Wixii Xog Urursi ah ee Wasaaradu u baahan tahay,kaas oo hoos tagaya sida uu Yidhi qaybta Qorshaynta ee Wasaarada Ganacsiga,Waxa uu Mas’uulkani intaas ku daray inay tababareen Shaqaalaha ka hawl galaya Xafiiskan iyo in Macluumaad laga soo Ururiyo Gobolada dalka si loo ogaado waxyaabaha ay tebayaan Ganacsatadu.

Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Qaranka Dr Sacad Cali Shire oo Goobtaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay Dhismayaasha ay Hay’ada DIA ka fulisay Wasaarada Ganacsiga waxaanu sheegay in hadii aanay Maalgalini Jirin aanu imanayn Horumarka la rabo in lagu talaabsado.

Gaba Gabadii Wasiirka Wasaarada Ganacsiga ee Somaliland Md.C.risaaq Khaliif Axmed ayaa u mahadceliyay Hay’ada USAID oo Maalgalisay Dhismayaashan  iyo Hay’ada Fulisay ee DIA ,Waxaanu Sheegay inuu ku rajo Weyn yahay inay wax badan ka bedeli doonaan Hawlaha Shaqo ee Wasaaradani Qaranka uga Mas’uulka Tahay.

Wasiirka Ganacsigu Waxa uu Sheegay  in hawlahan ay hay’ada USAID ka wado dalka ay tahay talaabo ganacstada iyo maalgashatada shisheeyahay ku dhiiri gelinaya in ay dalka yimaadaan, waxaanu wasiirku shaqaalaha wasaaradda kula dar-daarmay in ay ilaaliyaan qalabkan loogu deeqay isla markaana ay sida loogu talo galay uga faa’iidaystaan.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Ganacsi06(1).mp3″]

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com