London 13.May (SDN) Waxaa Sabtidii oo ay Taariikhdu aheyd 11/5/13 Ka Qabsoomey Badhtamaha Magaalada London Xaflad ilyartu is Qabatey oo ku qabsoomtey Hudheel 5*ah kuna yaala badh-tamaha London. Xafladaa oo Xisbiga UCID uu ugu Dabaal degaayey Guulihii uu ka soo-Hooyey Doorashadii Dawladaha Hoose ee Ka dhacdey Somaliland Dabayaaqadii Sanadkii Hore 28/11/12. Taas oo uu Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka ee UCID uu ka mid noqdey Sadexda Xisbi-qaran ee Sharciga noqon doona 10 ka sanadoood ee Soo socda. Waxaa Xafladan ka soo Qeyb-galey Madaxda ugu Sareysa ee Xisbiga oo uu ugu Horeeyo Gudoomiyaha Xisbiga Mudane Feysal Ali Hussien, Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Aqoon-yahan Jamaal Ali Hussien, Xoghayaha Guud ee Xisbiga Ahmed aden Ismail (Ahmed Keyse) Xoghayaha arimaha Gudaha Mingiste , iyo Gudoomiye yaasha Xisbiga ee UK, Norwey, Sweden iyo Holland
Waa muuqaal ee daawasho wacan
London SDN.
Qurbejoog.com









