Muqdisho June 3,2013(SDN)-Ciidamada dowlada Somalia iyo kuwa AMISOM ayaa saakay oo isniin ah ku jarmaaday xaafadaha degmooyinka Waberi iyo Xamar Ja jabab ee G-banaadir iyagoona intii howgladaasi ay soconayeen kusoo qab qabtay dad farabadan.
Howgalka oo ay horey u shegeen saraakisha dowlada Somalia in uu yahay mid lagu sugaya amaanka magaalada Muqdisho ayaa maal mihi ugu danbeeyay waxa uu ka dhacayay degmooyinka G-banaadir.
Howgalka manta ka dhacaya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sameyn ku yeeshen wariyaal ka shaqeeya idaacadaha maxaliga eek u yaala caasimada Somalia.
Weli howgalada wa ay soconayaan mana jiraan saraakisha dowladaoo faafahiyay.

