Uncategorized

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhigiisa Koofur Afrika Jakab Zuuma

Yokohama June 03 2013 (SDN)— Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa wuxuu kulan gaar ah magaalada Yokohama ee dalka Jaban uu kula qaatay,madaxweynaha koonfur Africa Jakab Zuuma.

Engneer C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow, Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya ayaa war baahinta kaga war bixiyay kulanka labada Madaxweyne iyo wax yaabaha diiradda lagu saaray kulankaasi, isagoo sheegay in madaxweynuhu dhiggiisa dalkaasi uu ka dalbaday in sida ugu dhaw wax looga qabto tacadiyada Soomaalida dalkaasi ay la kulmaan.

Wuxuu tilmaamay in madaxweynaha dalkaasi uu ka aqbalay codsiga kaga yimid madaxweynaha Soomaaliya isla markaasin arintaasi ay baaritaan kusameyn doonaan sida ugu dhaw.

Dhanka kale, madaxweyne Xasan Sheikh, wuxuu kulan gaar ah Yokohama uu kula yeeshay Xoghaya guud eee QM Banki-Moon, wuxuuna kala hadlay arinta burcad badeedda Soomaalida ah.

Afhayeenka, madaxtooyada Soomaaliya Engneer C/raxmaan Cumar Cismaan, oo aynu arintaasi wax ka weydiinay ayaa sheegay in ahmiyadda kulankaasi inuu ahaa dhaqaalaha badan ee caalamka uu ku bixiyo badaha soomaaliya ay ka wanaagsan tahay in dowladda lagu tageero arintaasina uu madaxweynuhu uu kala hadlay xoghaya guud ee Q.M.

Shirka Horomarinta Africa ee ka socda magaalada Yokohama ee dalka Jaban ayaa lagu wadaa inuu maanta soo idlaado kaasi oo bilaawday 1-dii bishan.

SDN-Yokohama