Jilib June 04,2013(SDN)-Kooxda Al Shabaab ee gancanta ku heysa degaanka Jilib ayaa maanta soo bandhigtay maxaabiis ay sheegtay in ay yihiin Kenyan.
Shabaabka ayaa sheegay in weerar dhawaan ay ku qaadeen guddaha dalka Kenya in ay ku soo qabqabteen dadkan.
Dadka reer Jilib ayaa maanta loo soo bandhigay laba ruux oo Kenyan lagu sheegay oo ku jiray gacanta Shabaabka.
Kenya ayaa ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya ay gudaha u soo galeen ka dib kolkii Shabaabku ay xadka labada dal ka geysteen falal amaan daro.
Ciidamada Kenya oo haatan ka mid ah kuwa AMISOM ayaa xaruntoodu tahay magaalada Kismaayo.
Dawlada Kenya ayaan weli ka hadal muwaadiniintooda shalay lagu soo bandhiga magaalada Jilib.
SDN-Jilib
contact@somalidiasporanews.com
