Ankara June 4, 2013 (SDN)— Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in ay u direyso Gataalaha Patriot-ka iyo diyaaradaha F-16 dalka Jordan si dalkaasi looga gacan siiyo ka hortaga dhibaato uga timaada dalka Syria.
Saraakiil ka tirsan Maraykanka ayaa sheegay in hubkan uu yahay mid loogu talagalay ka hortagida qatarta Syria in ay ku sii fido wadamada Syria dariska la ah kuwaasi oo ay ku noolyihiin qaxooti badan.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka John Kerry ayaa sheegay in Syria ay Qatar u tahay in ay burburto gabi ahaanba.
Arrintan ayaa imaaneysa xilli maanta lagu wado in Qarmada Midoobay aya soo saarto warbixin ay uga hadleyso xadgudubyada Xuquuqul Aaadanaha ee laga geysto dalkaasi.
SDN-Ankara
