Uncategorized

Shir Caalemi ah oo Shidaalka Africa looga arinsanayo oo Somaliland lagu casuumay

Sydney June 04,2013(SDN)-Shir ka dhacaya dalka Australia oo looga arinsanayo shidaalka Ceegaaga qaarada Africa sidii loo soo saari lahaa ayaa ka qeybgalkiisa lagu casumay Wasriika Macdanta iyo Shidaalka Somaliland.

Shirka oo sanadkii hore ay ka qeybgaleen shirkadaha baaritaanad aka sameeya qaarada Africa ayaa sanandakn intiisii hore laga balaariyay.

Sanad kan waxa lagu casuumay wadamada shidaalka badan leh balse aan weli laga soo saarin ciidooda Shidaal weli.

Kulanka oo furmaya dhamaadka bisha August ayaa waxa ka qeyb galaya in ka badan 2000 oo marti sharaf ah.

Wasiirka Macdanta Somaliland Xuseen Cabilaahi Ducaale iyo wefdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa lagu wadaa in shirka ka qeyb galaan.

Somaliland iyo dad kale oo qaarada ku yaal ayaa haatan reer galbeedku si weyn u xiiseynayaan shidaal soo saaris ay dhulkooda ku sameeyaan.

SDN- Sydney

contact@somalidiasporanews.com