Uncategorized

UCID oo Somaliland ka tacsiyadeysay geeri ku timi Sarkaal ka tirsanaa Booliska Somaliland

Hargeysa June 10,2013(SDN)-Gudoomiyaha Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka UCID, Murashaxa Madaxweynaha , Murashaxa Madaxweyne Ku Xigeenka ee Xisbiga UCID, Guddida Fulinta, Xubnaha G/Dhexe, G/Haweenka, G/Dhalinyarada iyo dhamaan Taageerayaasha   Xisbiga UCID waxay Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaan Sarkaal Sare oo Ka tirsanaa Ciidanka Bilayska  JSL oo Hawlaha Tababarada iyo dib u dhiska Ciidanka Bilayska mudo  dheer u qaabilsanaa kana mid ahaa Saraakiishii Seeska u dhigay dib u dhiska Ciidanka Booliska Marxuum Maxamed Siciid Xandule (Boolbool) oo Saaka  Ku Geeriyooday Magaalada Hargeysa.

Waxaanu Eebo uga baryaynaa inuu Marxuumka ja’nadii fardowsa ka waraabiyo dhamaan ummada reer Somalanad-na samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo, gaar ahaan Qoyskii, Ehliyadii Qaraabadii uu ka baxay marxuumku.

Aamiin                                     Aamiin                                      Aamiin

Gudoomiyaha Ololaha ee Xarunta Dhexe ee Xisbiga UCID

Dr, Jaamac Axmed Saalax