Uncategorized

Cudurka Dabasha oo Somalia iyo Yemen laga helay iyo Wasaarada Caafimaadka ee Somaliland oo ka hadashay

Hargaysa 12.June (SDN) Wasiirka wasaarada Caafimaadka Xuseen maxamuud Maxamed-Xuseen Xoog- ayaa ugu baaqay shacabka Somaaliland inay  Feejignaan  ka qaataan Cudurka dabaysha oo  inagu soo dhowaaday lagana  helay dalalka  aynu Jaarka nahay qaarkood oo ah Somaliya, Yeman.

Wasiirka caafimaadka Mudane Xuseen Xoog, waxa uu sheegay in cudurka dabaysha uu awalba dunida jiray hase ahaatee  wuu inaga Fogaa, hase ahaatee haatan  waxa  cudurkan laga helay dalalka aynu jaarka nahay qaarkood,kuwaasi oo kuwa hadda laga  helay  kala yihiin ayuu yidhi Wasiirku Somaaliya oo 14 Keys laga helay iyo Yeman oo iyana sided Keys laga helay. Waxa kale oo uu wasiirku sheegay in dalka keniya isna  laga helay cudurkaasi.

Wasiirku waxa uu ugu baaqay dhammaan qaybaha kala duwan ee Bulshada inay ka digtoonaadaan cudurkaasui, caruurtana laga talaalo, mar  haddii uu cudurkii soo degay oo laga helay dalalka Kanbalka inoo ah.

Waxa wasiirku sidoo kale u soo jeediyey, Ciidamada, maayirada, Badhasaabada Gobolada iyo degmooyinka dalka  inay gacan ka gaystaan sidii cudurkaasi  looga feejignaan lahaa Howsha talaalka cudurkaasi marka ay bilaabantana ay Gacan ka gaystaan.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com