New York June 14,2013(SDN)-Warbixin ay maanta soo saartay Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in Hilbka Kaluunku noqday soo saaridiisu mid ka tiro batay ka xoolaha Beriga.
Waa markii u horeysay ee taariikhda dunidu ay arintani dhacdo,bacdamaa dunida si baaxad dhaaf ah looga cuno hilbka xoolaha.
Xoolaha beriga ayaa ah qaar si baahsan loo dhaqdo loogana ganacsado hilibkooda si loo quudiyo caalamka.
Sababha loo aaneyay in hilibka Kaluunku ka saro maro ka hilibka xoolha ayaa waxa loo aaneeyay qiimaha iyo tayada caafimaad ee Kaluunka.
QM waxa ay warbixinteeda ku xustay in ka ganacsiga hilibka Kaluunka uu lix jibaarmay sanadihii u danbeeyay.
waxaaney sheegeen in haatan dunida lagu kala iibsado 66 million oo ton sanad walba.
Waxaana la filyaa in ka ganacsiga hilibka kaluunku uu sare u sii kaco sanadaha soo socda.
SDN-New York
contact@somalidiasporanews.com
