New York June 15,2013(SDN)-Dawlada Mareykanka oo ku eedeysay xukuumada Syria in ay ciidamadeedu isticmaaleen hub sun ku xardhan tahay oo ay kala hortagtay mucaaridka hubeysan ee ay labada sanadood la dagaalameysay.
Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa hore uga digay in xukuumada dimishiq aaney isticmaalin sunta wax gumaada,taas oo keeni karta taageero buuxda oo ay siiyaan mucaaridka hubeysan.
Dawlada Mareykanka ayaa sheegtay in ay hub siineyso mucaaridka labada sano dagaalka kula jiray xukuumada Bashaar Al Asad.
Mareykanku waxa ay sheegeen in ay hubka noocyadiisa fudud la siin doono mucaaridka,halka jabhaduhu ay dalbanayeen hub ay isaga caabiyaan taangiyada iyo duyuuradaha ciidamada Syria.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki Moon ayaa shir uu saxaafada u qabtay waxa uu uga hadlay goaanka Aqalka Cadi ku hubeynayo mucaaridka Syria.
“Xal laga gaaro dalka Syria waxa uu ku iman karaa uun wadahadal siyaasadeed,in la hubeeyo dhinacyada Syria waxa ay uga dareysaa uun xaalada murugada leh ee dalkaasi ku jiray labada sano”ayuu yiri Mr Moon
Dawladaha Caalamaka ayaa ku kala qeybsan taageeradooda dhinacyada isku haya talada dalka Syria.
Intii lagu guddo jiray gulufta colaadeed ee Syria waxa dalkaasi ku Geeriyooday ilaa boqol kun oo ruux oo caruur iyo dumar u badan,halka malaayiina ay barakaceen.
SDN-New York
contact@somalidiasporanews.com
