Tehran June 15,2013(SDN)-Dalweynaha Iraan ayaa shalay looga dareeray doorashooyinkii Madaxtooyada ee dalkaasi oo afartii sanaba mar la qabto.
Doorashooyinka oo ay ka qeybqaateen tiro shacab ah oo aad uga faro badan kuwii sanadihii ina dhaafay ayaa muujinaya baahida reer Iraan u qaban isbedel siyaasadeed.
Musharixiinta ugu cad cad ee tartanka madaxtinimada Iraan ayaan u muuqan qaar suurto gelin kara isbedelada dhabta ah ee wax ka qaban kara Mar xaladaha dhaqan dhaqaale ee dalkaasi ka jira.
Dalka Iraan ayaa baahi weyn u qaba hogaamiye siyaasadeed oo wax ka qabta godoonka siyaasadeed iyo ka dhaqaale ee dalkaasi ku jiray haatan mudo sanado ah.
Balse awoodaha madaxweyne ee dalkaasi ayaa run ahaantii aan aheyn qaar saamixi kara isbedelada dhabta ah ee dalkaas iyo shicibkiisuba ay u baahan yihiin.
Waxa haatan lagu guddo jiraa tirinta codadkii shalay la dhiibtay ee musharixiinta dhwrka ah ee tartanka ka qeyb galay.
Saciid Jaliil oo ay taageereen gollaha sare ee wadaada dalkaasi ayaa u muuqda nin si fudud u hanan doona xilka madaxweynenimo ee uu ka tegayo madaxweyne Axmedi nijad.
Madaxweyne Axmedinijad oo xilkaasi hayay sideedii sanadood ee u danbeeyay ayaa xilka ka degi doona bisha August ee inagu soo fool leh.
Dalka Iraan ayaanu ruuxna mudo laba jeer ka badan isu soo taagi karin xilka madaxweynenimada ee dalkaasi.
SDN-Tehran
contact@somalidiasporanews.com
