Uncategorized

Imtixaankii Shahaadiga ahaa ee Fasalada 4aad ee Dugsiyada Sare iyo kuwa 8aad ee Dugsiyada dhexe oo dalka ka bilaabmay

Hargaysa 15.June (SDN) Tiro  ku dhow  20 kun oo arday ayaa saaka oo Sabti ahayd u fadhiistay Imtixaanaadkii shahaadiga ahaa  guud ahaan Jamhuuriyadda Somaliland.

Marwo Samsam Cabdi Aadan Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee JSL ayaa wax yar ka dib markii uu bilaabmay imtixaanku waxa ay kormeer ku soo martay qaar ka mid aha Goobaha ay imtixaanaadku ka socdeen ee ku yaalla magaalada Xarunta ah ee Hargaysa.

Marwo samsam oo uu kormeerkeda ku wehelinayey Gudoomiyaha Xafiiska imtixaanaadka Guud Md Daa’uud Axmed Faarax ayaa saxaafadda kula hadashay meel ka mid ah goobaha imtixaanka ayaa sheegtay in guud ahaan imtixaanaadku dalka uga bilaabmeen si rasmi ah kuna socdaan hab xasiloon.

Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Daa’uud ayaa sheegay in sanadkan Ardayda Fasalada 4aad ee dugsiga sare ee Imtixaanka u fadhiisanaysa ay ka koobantahay 2,779 oo arday, halka Dugsiga dhexe Fasalada sideedaad ay u fadhiisanaayan 12,122 arday, guud ahaan Goboladda Somaliland.

ZamZam Cabdi AadanGuddoomiyeha ayaa sheegay inay diyaariyeen dhamaan Shaqaalihii ka hawl-gelayay Goobaha Imtixaanka lagu gelayo,oo isugu jira 130 qof oo shaqaale ah, 56 kalkaaliye iyo 905 Macalin oo Imtixaanka Ilaalinaya, kuwaasoo dhamaantood ka hawl-geli doona Goboladda Somaliland.

Daa’ud Axmed Faarax, ayaa sidoo kale, sheegay in sanadkan Imtixaanka Dawlada ee shahaadiga gobolka Selel oo aan hore uga qayb-geli jirin sanadkan Arday dugsiyada gobolkaasi dhamastay imtixaanka laga qaadayo.

Sidoo kale Wasiirka waxbarashada Sam-sam Cabdi Aadan aaya ardayda Imtixaankan ka qayb-gelaysa u soo jeedisay inay u diyaar garoobaan Imtixaankan, iskana jiraan wax kasta oo wax u dhimaya habsami u socodka Imtixaanaadka.

Wasiirku waxa ay u rajaysay ardayda imtixaanaadka u fadhiisatay inay natiijooyin wacan ka gaadhaan isla markaana ku gudbaan.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com