Hargaysa 20.June (SDN) Mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha Dawladda ayaa ka qayb galay munaasabad casho sharaf ah oo ay qurbojoogga Gobolka hawd ee dalka Ingiriisku magaalada hargaysa ugu sameeyeen ciyaartoyda G/Hawd ee ka qayb qaadanaysa tartanka ciyaaraha gobolada Somaliland.
Munaasabadan oo ka dhacday Hotel Imperial ee Magaalada Hargaysa ayaa Xildhibaan Aadan diiriye Nac-nac waxa uu ku bogaadiyey ciyaartoyda G/Hawd dadaalka ay ka muujiyeen ciyaarahii socday, waxana uu halkaa ku guddoonsiiyey qadaro lacago ah oo ay ciyaartoyda xus ahaan ugu soo direen jaaliyadda G/Hawd ee Boqortooyada Ingiriiska.
Duqa Degmada Balligubadle MD Cabdi Iimaan Jaamac oo isna munaasabadaas ka hadlay ayaa u ballanqaaday ciyaartoyda Gobolka Hawd inuu martiqaadka ugu meeqaamka sarreeya u qaban doono hadii ay ku guulaystaan Koobka iyo haddii kaleba
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
