Uncategorized

Midawga Yurub:Dagaaladii Kismaayo waxa ku Nafwaayay dad Rayid ah

Brussels July 02,2013(SDN)-Midawga Yurub ayaa qoraal ka soo saaray dagaalo dhawaan ka dhacay magaalada Kismaayo oo u dhexeeyay laba hogaamiye oo wada sheegtay hogaaminta Jubaland.

Qoraalkan oo ay ku saxeexnaa Afhayeenka Xoghayaha arrimaha dibedda ee Midawga Yurun Kathrine Ashton ayaa lagu sheegay in “Dagaaldii Kismaayo ay ku geeriyoodeen dad shicib ahaa oon waxba Galabsan”.

Midawga Yurub ayaa dhinacyadii ku dagaalamay Kismaayo ugu baaqay in ay colaadaha joojiyaan oo nidaamka siyaasadeed u isticmaalaan xal waara oo colaada laga gaaro.

Midawga Yurub ayaa ku baaqay taageero ay u fidineyso Soomaaliya si looga saacido dhinacyada siyaasada iyo amniga si loo helo nidaam la xisaabtan leh oo u adgeega Soomaalida.

Qoraalkan ayaa ka gaabsaday ka hadalka cida loo daba fadhiisanayo xaaladaha maamul u sameynta gobolada dalka.

Sidoo kale waxaan looga hadal eedaha loo jeediyay ciidamada Kiinya ee ku sugan gudaha Kismaayo.

SDN-Brussels

contact@somalidiasporanews.com