Uncategorized

Taageereyaasha Madaxweynihii Xilka laga Tuuray ee Masar oo Maanta isu soobax ku baaqay

Qahira July 05,2013(SDN)-Taageereyaashaxisbiga Ikhwaanka ayaa maanta dalka Masar ku qabanaya isu soo baxyo walaac ku abuuray mujtamaca dalkaasi.

Ciidamada xilka ka tuuray madaxweyne Maxamed Morsi ayaa xabsiga u taxaabay inta badan madaxada sare ee ururka ikhwaanka oo madaxweynuhuna ku jiro.

Mucaaridka ka soo horjeeday madaxweynaha la afganbiyay ayaa ilaa dhawr casho iminka ku sugan beerta Taxriir.

Waxaana ay haatan u dabaal degayaan talaabada xilka looga tuuray madaxweynihii u horeeyay ee dalkaasi si xor ah looga doorto.

Isu soo bax maanta Ikhwaanku ku baaqeen ayaa dhici kara in uu horudhac u noqdo qalaalase dalkaasi galao.

Si kastab ha ahaatee waxa ilaa haatan kooban rabshadaha dalkaasi ka dhacay ilaa iyo haatan in kasta oo dhimasho iyo dhaawacba la soo tebinayo.

SDN-Qahira

contact@somalidiasporanews.com