Uncategorized

Gudoomiyahay UCID:Danbiga aniga ayaa wax wayn ku leh, qasaarahaa iyo dhibaatadaa uu maanta golahaasi(wakiilada) gaadhsiiyay qaranka

Hargeysa July 05,2013(SDN)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa si weyn u dhaliilay Xeerka Maamuuska ee gollaha Wakiilada Somaliland ansixiyeen.

Guddoomiyaha ayaa sidaa ugu waramay jariirada xukuumadu leedahay ee DAWAN hadaladiisiina waxa ka mid ahaa “Waxaan u arkaa in golahaasi uu yahay gole wakhtigiisii dhamaaday, waxay arrintoodu la mid tahay ninkii yidhi Hooyadeen indho la’aan ma ku taqaanay, dad cuna way ku darsatay,  muddo korodhsigii xaaaraanta ahaa  waxay ku darsadeen inay  yidhaahdaan cashuurtii dadka shacabka ah  laga soo ururiyay hanala siiyo xataa marka aanu  meesha ka tagno   lacagtaasi halana siiyo. Waxaas oo kale meelna kama dhacdo aduunka inta gole baarlamaan jirta, Waxaan aduunka lagu arag ayaa meesha  socda, waana nasiib darro, waxaanay ka mid tahay nidaam darada maanta dalka ka taagan,   nasiib darooyinka wadanka haysta  ta  ugu  wayni waa golaha  wakiilada.

Danbiga aniga ayaa wax wayn ku leh, qasaarahaa  iyo dhibaatadaa uu maanta  golahaasi gaadhsiiyay qaranka  inteeda  badan anigaa leh, maxaa yeelayanaa odaygii hore ee golihii  beelaha ku yimid meesha ka saaray, kaasi oo ka fiicna marka loo eego kan, guddoomiyahan imika golaha wakiilada joogana  anaa dadka dusha kaga keenay, markaa danbigaa  wax badan  baan ku leeyahay, shacabka reer Somaliland  cafis ayaan idin waydiisanayaa.

waxaas oo dhibaato ah waxaa ka masuul ah guddoomiyaha golaha  wakiilada, waxaas oo kale in mooshinka la geliyo ma aha xeerka marka ay dawladu soo qorto, waa la diidaa ama waa la ogolaadaa, markaa ma aha inay ku darsadaan wax iyaga u dan ah, inuu kaba saaro ayay  ahayd, mooshinka guddoomiyaha goluhu qodobadaa sheegaya, dantooda gaarka ah ee aan dastuurigana ahayn. Waxaa jira guri loo  dhisayo  guddoomiyahan golaha wakiilada, weligeed ma dhicin sharcina ma aha guddoomiye gole oo guri loo dhiso, wuxuu leeyahay dawlada ayaa noo iibisay,  hadana magaciisa ayaa lagu qorayaa.

Arrintaasi waa mid u baahan inuu shacabku ka gil-gisho, madaxweynaha iyo golaha guurtidana waxaan leeyahay waxaasi sharci ma aha ee ha saxeexina, waana u caado marka ay dawladu soo saarto mashruuc inay wax ku darsadaan golaha  wakiiladu, waayo xeerkaas  loo bixiyay shir-qool 14-aad  ayay ku shaqaynayeen saddexdaa sanadoodba”Ayuu yiri Guddoomiyaha UCID.

SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com