Uncategorized

Idaacad Cusub oo FM ah oo Hargaysa ku soo korodhay iyo Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlay

 

Hargaysa 10.July (SDN) Wasiirka wasaarada warfaafinta md.  C/llaahi Maxamed Daaahir ayaa  sheegay in lagu soo kordhiyay  idaacada Raadyow Hargaysa Idaacad cusub oo ku lamaan taas oo baahin doonta quraanka kariimka   iyo axaadiista nabiga NNKH.

Wasiirka oo maanta ka hadlayay xaflada furitaanka Barnaamijka Kasmaal oo Bisha Ramadaan  ka baxa telefishanka qarank ayaa sheegay in ay ku soo kordhiyeen idaacada RAdio Hargeisa idaacad fm ah oo baahinaysa  quraanka kariimka ah iyo axaadiista nabiga nabadgelyo yo naxariisi korkiisa ha ahaatee.

Wasiirku waxa uu sheegay in idaacadan oo ah idaacada quraanka kariimka ah oo ku lamaan  idaacada Radio Hargaysa ay tahay   markii ugu horaysay ee idaacad nooceeda ah laga hirgaliyo Dalka .

Idaacadan ayaa dhagaystayaasha Radio Hargaysa kaga faaiidaysan doonaan culuunta diinta, iyada oo hirgalinteedu ku soo beegantay  bisha barakaysan ee ramadaan.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com