Uncategorized

Murashaxiinta Madaxtinimada UCID oo caddeeyay in ka dhex-muuqashada guddoomiyaha Xisbigooda ee golaha Wada-tashiga iyo Toosintu uu gaar u yahay fekerka guddoomiye Faysal, xisbiguna la wadaagin

Hargeysa July, 17 2013 (SDN)- Murashaxiinta Madaxtinimada xisbiga UCID ee doorashada Madaxtooyada Somaliland ee soo socota, ayaa caddeeyay in ka dhex muuqashada guddoomiyahooda Eng. Faysal Cali Waraabe ee ‘golaha Wada-tashiga iyo toosinta Qaranka’ oo dhowaan Hargeysa lagaga dhawaaqay aanu ka tarjumaynin in xisbigu ka mid yahay golahaas oo samayntiisu muran sharciyeed iyo siyaasadeed ka abuurtay dalka.

Murashaxa Madaxweynenimo ee UCID Mr. Jamaal Cali Xuseen iyo kuxigeenkiisa, Cabdirashiid Xasan-Mataan oo maanta war-murtiyeed ka soosaaray Hargeysa, waxay naqdiyeen abuurista golahaas oo siyaasiyiin mucaarad ku ah xukuumadda Kulmiye oo ay ka mid yihiin guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe, Muj. Xasan Ciise Jaamac, Eng. Maxamed Xaashi, muj. Ibraahim Cabdullaahi Xuseen (Dhegoweyne), Muj. Xasan Guure Jaamac iyo xubno kale ay todobaad ka hor kaga dhawaaqeen caasimadda Hargeysa.

Murashaxiinta madaxtinimada xisbiga UCIDQoraalkaas oo ay ku sheegeen in ka dhex-muuqashada guddoomiye Faysal ee golahaasi aanay ka dhignayn in xisbiga UCID ka mid yahay golaha Wadatashiga iyo toosinta qaranka, isla markaana ay taasi tahay feker u gaara guddoomiyahooda, waxa uu u dhignaa sidan; “Bismilaahi Raxmaani Raxiim, Naga guddooma Hambalyada Bisha Barakaysan ee RAMADAN.

  1. Waxaan aad uga xunnahay in toddobaadkan uu ina soo galay muran siyaasadeed oo aan loo baahnayn, shacabku xurmo ayuu inaga mudan yahay, qarannimaduna waa wax la ilaashado oo u baahan in aad looga feejignaado wax kasta oo dhaawici kara wadajirka iyo guud ahaan amniga dalka.
  2. Ummadi waxay wax ku noqotaa ilaalinta iyo addeecista xeerarka iyo shuruucda ay wada dhigtaan, dhowrista sharciguna waa waajib saaran, shacab, xukuumad, xisbiyo iyo golayaalba.  Haddii aan taa la helinna waxaa lumaya karaamada iyo sharafta  dawladnimo.
  3. Xukuumadda maanta haysa talada dalka waxaa ka muuqda dhalliilo badan, hase yeeshee sixitaankeeda waxaa lagama maarmaan ah in loo maro qaab waafaqsan nidaamka inoo yaal, sida xisbiyada qaran ee mucaaradka ah oo shacabka S/Land sharciyan ugu matalaya saaxadda siyaasadda, inay si hufan oo aan gabbasho lahaynna u dhaliili karaan wixii ka qaldan xukuumadda, iyo soo jeedinta talooyinka loo arko  in ay lagama maarmaan yihiin.
  4. Sida aad ka war qabtaan waxa dhawaan magaalada Hargeysa ee caasimadda dalka Somaliland lagaga dhawaaqay Gole ay ku midoobeen odayaal dalka sharaf ku leh. Kuwaasoo xilal kala duwan u soo qabtay shacabka Somaliland. Halkaasi oo uu ka dhex muuqday Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe.
  5. Haddaba anagoo tixgelinayna dastuurka u dejisan dalka Somaliland, waxa uu xisbiga UCID oo ka mid ah 3 da xisbi qaran ee dalka Somaliland halkan ka caddeynayaa in joogitaanka guddoomiyahayagu aanu ka dhignayn in Xisbiga UCID uu ka mid yahay Golahaasi, balse ay tahay fikir u gaar ah guddoomiyaha xisbiga shakhsiyan, taasoo ku kooban guddoomiyaha keligii.
  6. Xisbiga UCID wuxuu ka digayaa, wax kasta oo dhalin kara muran siyaasadeed oo dib u dhac inagu keeni kara sida ururo cusub oo hor leh, iyadoo aynu ka wada dharagsan nahay dhibtii inaga soo gaadhay doorashooyinkii deegaanka walina aynaan ka soo kaban.
  7. Xukuumadda talada haysa waxan u sheegaynaa in aanay indhaha ka qarsan dhaliilaha habeen iyo maalinba loogu sheegayo cod dheer iyo cod gaabanba, waxaana la gudboon in ay tixgeliso tallooyinka ka imanaya dadweynaha iyo Xisbiyadda mucaaridka ah.
  8. Waxaan xasuusinaynaa shacabka, xukuumadda iyo xisbiyadaba in ay waajib tahay in culayska la saaro aasaaska deggenaanshaha iyo horumarka qarannimada S/land.

 

Ilaahay baa mahad leh, Somaliland Guul.

Jamaal Cali Xuseen                                                                        C/Rashid Xasan Mataan
Musharaxa M/Weyne ee UCID                                                 Musharaxa M/W/Xigeenka UCID.”

 

Qurbejoog.com, Hargeysa