Hargeysa July 18,2013(SDN)-Guddida Doorashooyinka Somaliland,Xisbiyada iyo Xukuumada Somaliland ayaa wada jir u sexeexay Heshiis laga gaaray Diiwaangelinta Muwaadiniinta iyo Codbixiyeyaasha Somaliland.
Kulan ay Hargeysa isugu yimaadeen ayaa lagu Sexeexay Heshiiskan hagi doona Diiwaangelinta shacabka Somaliland.
Heshiiskan oo mudo qaatay isla markaana la isku afgaran waayay qaar ka mida qodobada ku xusun,khaasatan cida masuulka ka noqoneysa Diiwaangelinta ayaa haatan la seexeexay.
Guddoomiyaha Doorashooyinka Somaliland Md Maxamed Xirsi Geelle oo madasha heshiiska lagu sexeexay ka hadlay ayaa yiri “Guddida doorashada, wasaarada arimaha gudaha iyo asxaabta qaranku waxay ka wada tashanaysay sidii loo samayn lahaa diiwaan gelin, dabadeedna waxa laysla waafaqay in diiwaan gelinta dadweynaha ee madaniga ah iyo tan codbixiyayaasha doorashooyinka aynu labadaba u baahan nahay, markaas qodobkii sheegayey arintaas ayaanu si wada jira u wada saxeexanaynaa”.
Guddoomiyeyaasha Sadexda xisbi Qaran ayaa iyaguna taageeray heshiiskan la sexiixay oo haatana loo diri doono Deeqbixiyeyaasha si ay gacan uga geystaan Diiwaangelinta.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com
