Uncategorized

Agaasimihii Hore ee Dibu Dejinta oo Xilkii ku Wareejiyay Agaasimaha Cusub ee Wasaaradaas

Hargaysa 18.July (SDN) Wasiirka wasaarada Dib-u-dejinta Axmed Cabdi Kaahin ayaa maanta Xilkii ukala wareejiyay Agaasimihii Guud ee hore ee wasaaradaas Md. Cali Axmed C/lle Biikolo haatana ah Maareeyaha Hay’ada Dhawrista Tayada iyo AGaasimaha Guud ee dhawaan loo magacaabbay wasaarada Dib u dejinta md. Maxamuud Jibriil Yoonis .

Kulanka Xilwareejintan oo ka dhacay xarunta wasaarada Dib u dejinta ayaa waxa ka soo qaybgalay shaqaalaha wasaaradaas,xoghayaha guud ee Golaha Guurtida , wasiirka wasaarad beeraha iyo marti sharaf kale.

Hadal uu halkaa ka jeediyay wasiirka wasaarada Dib u dejinta md. Axmed Cabdi Kaahin ayaa wax uu ka hadlay adeega ay bulshada u hayso wasaaradani iyi hawl socodkeeda.

Agaasimahii Guud ee hore ee wasaarada haatana ah maareeyaha hay’da Dhawrista Tayada Cali Axmed Cabdule (Biikalo) ayaa isna halkaasi ka sheegay,waxyaabihii u qabsoomay mudadii uu xilka hayey, isla markaasina u mahad naqay shaqaalaha wasaarada sidii wanaagsanayd ee ay ula soo shaqeeyeen. Waxaanuu ka codsaday inay agaasimaha Cusub ku garab galaan shaqadiisa.

Agaasimaha Guud ee Cusub wasaaradaasi Mud, Maxamuud Jibriil Yoonis ayaa isna sheegay inuu halkaa ka sii ambaqaadi doono howsha ,waxaanuu shaqaalaha ka cosaday inay si hufnaan le hula shaqeeyaan.

Gebagebadii Waxa halkaa xilkii ugu kala wareejiyey labada Agaasime Guud wasiirka wasaarada dib-u-dejinta Axmed Cabdi Kaahin.

Geesta kale Waxgarad iyo dhaluin yaro ka tirsan Degmada 26Ka juun ee Magaalada Hargeysa ayaa xaflad soo dhoweyn ah ugu sameeyey maanta Huteel Samer time ee magaalada Hargeysa Agaasimaha Guud ee dhawaan Loo magacaabay wasaarada Hawlaha guud,Guriyeynta iyo Gaadiidka Mud, Mukhtaar Maxamed Cali.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com