Uncategorized

Wasiirka Boosaha iyo Mas’uuliyiin kale oo Kormeer ku soo Maray Qaar ka Mid ah Xarumaha Isgaadhsiinta

Hargaysa 21.July (SDN) Wasiirka Wasaarada Boosaha iyo Isgaadhsiinta Maxamed Jaamac Abgaal oo uu Weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradaasi Faysal Cali Sheekh iyo Mas’uuliyiin kale oo Wasaaradaas ka Tirsan ayaa Maanta Kormeer Shaqo ku soo maray Shirkadaha Isgaadhsiinta ee Soltelco iyo SomCable .

Maareeyaha Shirkada Solteco Mukhtaar Cismaan ayaa Wasiirka iyo Xubnaha kale Warbixin ka siiyay Qaabka ay u Shaqayso Shirkadani.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Boosaha iyo Isgaadhsiinta Faysal Cali Sheekh ayaa Ujeedada Kormeerkoodan ku tilmaamay Mid ay ugu Kuurgalayaan Hanaanka ay u Shaqeeyaan Shirkadaha Isgaadhsiinta ee Somaliland ka Jira.

Wasiirka Wasaarada Boosaha iyo Isgaadhsiiinta Maxamed Jaamac Abgaal ayaa dhiniciisa ka sheegay in Siyaasada Xukuumadu ay tahay sidii loo dhiirigalin lahaa Shirkadaha Isgaadhsiinta oo qayb weyn ka qaatay horumarka kala duwan ee Somaliland ka Jira.

Waxaa kale oo Mas’uuliyiinta intaas kadib waxay soo indho indheeyeen Xarunta Shirkada SomCable waxaana halkaasi ku qaabilay Gudoomiyaha Shirkada MSG Group Ibraahin Cali Yuusuf isagoo Warbixin ka siiyay Isgaadhsiinta Casriga ah ee Shirkadoodu ay dhawaan dalka ka hirgalin doonto iyo Siyaabaha looga faa’iidaysanayo.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com