Uncategorized

Taliyihii ciidan Nabad-sugida somaliya oo la bedelay

 

koofi Muqdiho- 22-july-2013 (SDN)Wararka ka imaanaya xarugnta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in taliyaha ciidanka nabad-sugidda ee gobolka Banaadir loo magacaabay Colonel Maxamed Aadan Koofi oo ka mid ah saraakiisha ciidamada Soomaaliya.

 

Colonel Maxamed Aadan Koofi ayaa beddelaya taliyihii hore ee ciidanka nabad-sugidda gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg.

 

Taliyaha cusub wuxuu shantii sano ee la soo dhaafay ka shaqeynayay xarunta madaxtooyada, isagoo ahaa ku-xigeenka madaxa amniga. Wuxuu ku takhasusay hoggaaminta ciidamada dhulka, sugidda amniga madaxda sare iyo xarumaha qaranka.

 

Col. Koofi wuxuu xirfadda ciidannimada ku soo bartay kulliyado ciidan oo ku kala yaalla dalalka Sudan iyo Jabuuti, wuxuuna sidoo kale shahaadada Masterka ka qaatay jaamacadda caalamiga ah ee Kampala, isagoo ku takhasusay maamulka iyo maareynta.

 

hore bare uga soo noqday jaamacado iyo dugsiyo sare oo ku yaalla dalka, wuxuuna ka mid yahay saraakiisha aan dalka ka bixin muddadii colaadaha.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa hore teliyeyaal cusub ugu magacowday ciidanka booliska, nabad-sugidda iyo xoogga dalka.

 

Bedelka lagu sameeyey Taliska sare ee ciidanka  Nabadsugidda somaliya, ayaa laga yaabaa inay wax ka tarto dhaliilaha had iyo goor loo jeediyo ciidamada nabadsugidda, waxana la dhawrayaa inuu taliyahan cusubi derder geliyo hawalaha ciidanka Nabadsugidda oo habacsanaan badani ka muuqato.

 

Somalidiasporanews.com

Muqdiho Office.