Garoowe July22,2013(SDN)-Dalada ay ku bahoobeen ururda aan dawliga aheyn ee Puntaland ayaa ka hadashay xaaladihii Siyaasadeed ee uGu danbeeyay maamul-goboleedka,sida lagu sheegay war ay manta soo saareen.
Dalada ayaa soo saartay baaq iyo taagero ay u jeedineyso xukuumada,waxaanu u qornaa sidan;
“Dallada Daneeyayaasha aan Dawliga ahayn ee PUNSAA waxay taageero la garab taagnayd Barnaamijka Geeddi Socodka Dimuqraadiyeynta Puntland,Taniyo intii la bilaabayiyadoo wacyi gelin iyo baahinta barnaamijka ka qabatay dhamaan gobolada Puntland, si firfircoo nna uga qayb-qaadatay baahintii iyo ansixintii Dastuurka Puntland , gacan muuqata ka gaysatay unkidda siyaasad saxaafadeed oo si dumuqraadi ah loo diyaariyey taas oo xoriyadda muwaadinka iyo saxaafaddaba damaanad qaadaysa ayaa sidoo kale PUNSAA waxayu diyaarisay 60 goob -jooge oo kormeer ayaal dhexdhexaad ah ka noqda barnaamijka doorashooyinka kana soo war bixiya qabsoomidda doorasho xor iyo xalaal ah ee dhamaan goboladda iyo degmooyinka Puntland.PUNSAA shaqooyinka ku aadan Hannaanka Geeddi Socodka Dimuqraadiyeeynta waxay si dhow u gala shaqaynaysay xiriirna la lahayd, Guddiga doorashooyinka, ururradda siyaasada, iyo dhamaan daneeyayaasha barnaamij ka Geedi Socodka Dimuqraadiyeynta Puntland ugana mahad celinaysaa wada shaqayntii wanaagsanayd ee ay qaybahaasi u muujiyeen PUNSAA intii ay wada shaqaynayeen.
TAAGEERO GO’ANKA: PUNSAA waxay tageersan tahay bogaadinaysaana madaxwaynaha Puntland go’ankii geesinimada,waddaniyada iyo mas’uuliyadu ku dheehnayd ee uu ku joojiyey doorashadda golayaasha deegaanka ee ku mudaysnayd luuliyo 15th2013. TACSI: PUNSAA waxay tacsi u diraysaa dhamaan dadka Puntland gaar ahaan eheladii & qaraabadii iyo asxaabtii ay kaga geeriyoodeen ama wax kaga soo gaareen shaqaaqooyinkii ka dhacay Qardho, Galkacyo, Boosaso, Baran iyo meeshii kale ee Puntland ah, waxaana leedahay illaahay ha u naxariisto intii ku dhimatay samir iyo iimaanna allaha inaka siiyo dhaacana allaha bogsiiyo. BAAQ-NABADEED Bulsho waynta reer Puntland waxay ku caana maaleen nabad iyo xasilooni& dulqaad taas oo ay sal uahayd dawlad hano-qaaday, isu-tanaasul, dulqaad iyo dadaalka xeerbeegtida salaadiinta nabadda jecel ee reer Puntland,Puntland waxay leedahay cadow badan oo banaanka iyo gudahaba jooga, hadaba inkasta oo uu jiro khilaaf iyo kala feker duwaansho siyaasadeed xilligan, PUNSAA waxay ku baaqaysaa in laga wada shaqeeyo Amniga Guud iyo xasiloonida Puntland.”
