|

“Waxa naloo oggolaaday 50% Dadka Aftida Bixinayaa inay Noqdaan Somaliland,laakiin hadda anaga waxay nala tahay inaanan intaas in ka badan aamusnaan Karin” Xildhibaan Foosiya Yuusuf X.Aadan Waraysi dhan DAAWO

Muqdisho 25.Dec 2015 (SDN/QJ):-  Xildhibaan Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan oo ah Hoggaamiyaha Xisbiga Horumarka iyo Nabadda Soomaaliya ee NDB oo ay kawdii bishii October 2015 kaga dhawaaqay Caasimadda dalka ee Muqdisho, ayaa ka warrantay higsiga Xisbigaas, Saamiga Haweenka, waxa uu qabanayo iyo qorshayaasha Xisbigaas. Waxay intaas ku dartay in boqolkiiba konton dadka Aftida Doorashada laga qaadayo loo oggolaaday inay noqdaan dadka Somaliland ka soo jeeda.

WARAYSIXildhibaan Foosiya waxay ka hadashay hankeeda Siyaasadeed iyo heerka uu gaadhsiisan yahay, doorashooyinka la filayo inay Soomaaliya ka qabsoomaan sannadka maalmuhu ka hadheen ee 2016-ka, taasoo qaabkii markii hore lagu waday wax iska beddeleen, isla markaana qaab beeleed iyo goboleed loo qabanayo.

Waxaanay Xildhibaan Foosiya sheegtay inay iyada iyo Xildhibaannada kale ee dhalasho ahaan ka soo jeeda gobollada Waqooyiga Soomaaliya (Somaliland) inay dalbadeen in aftida la qaadayo ee la xidhiidha qaabka doorashadaas loo qaban doono in loo qaybiyo laba qaybood oo kala ah gobolladii 1960-kii Midoobay ee hadda kala ah Koonfurta Soomaaliya iyo Somaliland ee ay kala gumaysan jireen Talyaaniga iyo Ingiriisku. Nasiib-wanaag waxay xustay in loo oggolaaday in boqolkiiba konton loo oggolaaday dadka aftida la weydiinayo.

Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan oo Reer Hargeysa ah, balse qaddiyadda Midnimada Soomaaliweyn taageerta, isla markaana xilalka Wasiirka arrimaha dibedda iyo Raysal-wasaare Ku-xigeen ka soo noqotay Xukuumaddii Raysal-wasaare Saacid ee Soomaaliya, immikana ka tirsan Mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaannu iyadoo qodobbadaas iyo kuwo kale sharraxaysa, kana jawaabaysa Su’aalo badan oo uu Weriye Axmed Cabdiraxmaan Xirsi (Heello) kana tirsan Horn Cable TV oo Muqdisho kula kulmay weydiiyey-ba waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Comments are closed