|

”Madaxweyne Siilaanyo Waa Saaxiibkay,Ummad ma Hogaamin karo Maalintii SNM Loo Dhiibay Muxuu qabtay Isweydiiya” Weedhihii Dhinbiisha Ka Kululaa ee Ambassador Cawil ku Weerari Jiray Madaxweyne Siilaanyo {DHAGAYSO/DAAWO}

“Wallaahay Madaxda Xisbig KULMIYE Nin, Nin La Heshiis Ah Ma Jiro, Waa Niman Is Wada Gadaaya oo isu cadow ah, Cadho Ayaa Isu-gaysa.”

“Waxa Ayaan-daro ahaa raggii SNM madaxda ka ahaa Markii Ay xukunka qabteen mar qudha may xasuusan Agoontii Mujaahidiintii SNM, waxay noqdeen Wasiiro iyo Maayaro.”

Hargaysa 25.Dec 2015 (SDN/QJ):- Ambassador Cawil Cali Ducaale oo Habeenkii Arbacadu soo Galaysay uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ay Siyaasada Col ku ahaayeen u  Magacaabay La Taliyihiisa Citiraaf raadinta iyo Wada hadalada Somaliland Iyo Somalia.

Ambassador Cawil Cali Ducaale Wuxuu hadalo dhinbiisha ka Kulul Qalabka Warbaahinta u Marin Jiray Markuu ahaa Wasiirka Maaliyada ee Cahdigii Xukuumadii Rayaale Xisbiga Kulmiye oo Markaas ahaa Mucaarid isagoo si gaar ah u Tumaatiyi Jiray Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo uu ku Tilmaami jiray Siyaasi aan Hogaamin Karin Ummada,Heer Waxa uu Gaadhay uu Madaxweyne Siilaanyo oo uu haatan u noqday la taliye ku eedeeyo inuu ka danbeeyay Dilal Qorshaysan oo Xiligii SNM-ta lagula Kacay Hogaamiyeyaal ay ka Mid ahaayeen Mujaahid C.qaadir Koosaar iyo Aadan Shiine alle ha u Naxariistee.

Qaybtan Hore oo Dhagaysi ahi Waa Ubucda Weedhihii adkaa ee uu Ambassador Cawil ku Ganay Xisbiga Kulmiye iyo Hogaamiyihiisii oo haatan ah Madaxweyne Siilaanyo.

Sidoo kale Muuqaalkani Wuxuu ka Mid yahay Sida Xisbigii Kulmiye Iyo Wasiirkii Maaliyada ee Hore Ambassador Cawil Kaaf Iyo Kala dheeri u Taagnaayeen.

Comments are closed