|

Abaanduulaha Ciidamada Somaliland oo iscasilay,maxey tahay sababtu?

Laascanood July 2012(SDN)-Abaanduulihii ciidamada Qaranka Somaliland Col Cabdilaahi X Jaamac Calas ayaa la sheegay in uu xilkii uu hayay iska casilay ka dib khilaaf hareeyay maamulka guud ee ciidamada iyo ka gobolada bariga Somaliland.

M a cada in xukuumada Somaliland iscasilaada ka aqbashay abaanduule Calas balse waxa la shaaciyay in abaanduuluhu madaxtooyada gaarsiiyay codsigiisa.

Maalmihii u danbeeyay ayaa guud ahaan maamulka ciidamada iyo ka gobolada Togdheer iyo Sool waxa hareeyay khilaafaad dhanka maamulka ah.

Khaasatan gobolka Sool ayaa gebi waxa madaxa iskula jira madaxda sare ee gobolkaasi,dhawaana waxa xilka iska cailay isna duqii magaalada Laascaanood ka dib kolkii xabsiga loo taxaabay isaga iyo ku-xigeenkiisaba.

Wasaaradaha gaashaandhiga iyo ta arrimaha guddaha ayaan ilaa haatan qaadin wax tilaabo ah oo lagu saxayo khaladaadka iyo muranada mudada taagan ee labadan gobol ku xeeran.

SDN-Laascaanood

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed