Muqdisho April 05,2013(SDN)-Hogaamiyihii Kooxda Al-shabaab Cumar Xamaami oo loo yaqaan Abuu Mansuur Al-Amriki ayaa friin culus oo hanjabaad ah Warbaahinta u Mariyay dowladda Mareykanka ,isagoo u Waramayay Wargeyska lagu Global Post ee ka soo baxo dalka Mareykanka.
Abuu Mansuur Al-Amriki ayaa Sheegay inuu ku sii nagaandoono dagaalka jihaadka ah,kasoo uu ku sheegay inuu kaga soo horjeedo danaha Reer Galbeedka gaar ahaan Marayknaka.
Sidoo kale Abuu Mansuur Al-Amriiki ayaa soo hadal qaaday lacagta 5-ta Milyan ee Doolarka mareykanka ah oo ay Mareykanku dul dhigeen Hogaamiyahaasi ,isagoo sheegay in lacagtaas madaxiisa la duldhisgay aysaan wax saameyn ah ku yeelan doonin noloshiisa waxaana uu xusay inuu sii wadayo dagaalka ka dhanka Maraykanka ee dunnida ka socda.
Al-Amriiki oo Waraysigaan Ku bxiyay Aaladda Tweeter,ku sheegay inuusan wax cabsi ah ka qabin in Dowladda Mareykanka ay gacanta ku soo dhigto madaaba ay Madixiisa Duldhigtay lacag gaareyso ilaa 5 Milyan oo doolarka Mareykanka ah.
