New York April 05,2013(SDN)-Dawladaha reer Galbeedka ayaa aad uga walaacsan cudurka Dureyga Shimbiraha oo dib uga dilaacay dalka China todobaadkan.
Nooc Cudurka ah oo aan hore loo arag ayaa durba dilay in ka badan 14 ruux inta ilaa iyo haatan lala socdo.
Dalalka reer Galbeedka ayaa haatan iska kaashanaya sidii ay cudurka ugu heli lahaayeen dawo ka quwad weyn noocyadii hore ee cudurkan.
Nucan cusub oo la yidhaahdo H7N9 ayaa nasiib wanaag aaney biniaadamku kala qaadin,taas oo ka dhigan in aanu u fideeyn sidii H1N1 oo hore dunida si ba’an ugu fiday.
Dhakhaatiirta caalmka ayaa haatan ku hawlan baaritaano ay ku wadaan cudurkan si looga tabaabusheyso khataraha ku gadaaman.
SDN-New York
contact@somalidiasporanews.com
