Hargeysa 22, March 2012 (Qurbejoog.com)- Guddiga Caddaalada Somaliland, ayaa magacaabay 11 xubnood oo kuxigeeno looga dhigay Xeer-ilaaliyaha guud ee qaranka.
Sida lagu sheegay qoraal uu guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Maxkamadda Distooriga ah, ahna guddoomiyaha guddiga Caddaalada Mr. Yuusuf Ismaaciil Cali, xubnahan oo markii u horeysay taariikhda ay afar gabdhood ku jiraan, waxa loo magacaabay kuxigeeno Xeer-ilaaliye guud, wuxuuna qoraalkaasi u dhignaa sidan; “Guddiga Caddaaladu wuxuu fadhigiisii 3aad ee qabsoomay maanta oo bishu tahay 01/03/2012, sida waafaqsan Qod. 107(3) iyo Qod. 108 ee dastuurka JSL
Ka dib markii ,uu qoddobada ajendaha si qoto dheer uga dooday, sida uu qeexayo qoraalkiisa (mimutes book)
MARKAY ARAGTAY : Danta Guud ee caddaaladda
MARKAY ARAGTAY : Qod.107(3) 108 ee Dastuurka JSL
MARKAY: Dood dheer iyo falanqayn ku sameeyey
Magacaabista ku Xigeenada ah Xeer-ilaaliyayaasha
Guud ee Qaranka JSL , lana eegay waayoaragnimadooda iyo C.V–yadooda.
Qod.1aad
Magacaabis ku Xigeeno Xeer-ilaaliyeyaal:
1. Yusuf Biixi Maxamed,waxaa loo magacaabay ku-xigeen Xeer Ilaaliye Guud.
2. Mawliid Cabdi Muuse, waxa loo magacaabay ku-xigeen Xeer Ilaaliye Guud.
3. Cali Cabdi Cabdule ,waxa loo magacaabay ku-xigeen Xeer Ilaaliye Guud.
4. C/raxmaan iid maxamed.waxa loo magacaabay ku-xigeen Xeer Ilaaliye Guud.
5. Aswaam Maxamed Jibriil,waxa loo magacaabay ku-xigeen Xeer Ilaaliye Guud.
6. Malyuun faarax muuse,waxa loo magacaabay ku-xigeen Xeer-ilaaliye Guud.
7. Khadra Xuseen Maxamud,waxa loo magacaabay ku-xigeen Xeer-ilaaliye Guud.
8. Saamiye Xuseen Nuur,waxa loo magacaabay ku-xigeen Xeer-ilaaliye Guud.
9. Siciid Yusuf Cabdi,waxa loo magacaabay ku-xigeen Xeer-ilaaliye Guud.
10. Guuleed Axmed Jaamac,waxa loo magacaabay ku-xigeen Xeer-ilaaliye Guud.
11. C/risaaq Ibraahim Maxamud, waxa loo magacaabay ku-xigeen Xeer-ilaaliye Guud.”
Qurbejoog.com, Hargeysa
editor@somalidiasporanews.com
