Uncategorized

“Afartii Malyan Iyo Badhkii Meesha Kama Muuqdaan, Haddii Laga Tegi Waayo Waxoogaa Qosol-ku-jab Ah Daarihii Hore Lagu Kordhiyay” DHAGAYSO Waraysi Boobe Yuusuf

Hargaysa 16.Sep 2013 (SDN)- Wasiirkii hore ee wasaaradda War-faafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Mujaahid Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe) ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dhibka iyo muranka sii kordhaya ee ka taagan Gegida Diyaaraduhu ka haadaan ee caasimadda Hargeysa.

boobeBoobe Yuusuf ayaa naqdiyey qaabka iyo Hannaanka loo maamulay lacagtii Dawladda Kuwait ugu talo gashay in lagu dayac tiro dhabbaha diyaaraduhu ka haadaan ee Caasimadda Hargeysa. Ugu horeyn waxa uu mujaahidku faahfaahin kooban ka bixiyey meelaha ay maalmahan ugu dambaysay ku badnayd hadal-hayntu ee shacabku dhibta badan ka dareemayeen.

Halkan Guji oo Mobilkaaga ka dhagayso Waraysiga Boobe Yuusuf
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/mujboobe21(1).mp3″]

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com