Uncategorized

Afhayeenka AMISOM Gen. Pady Akunda oo lasheegay in uu jecely kula dul kufay Haweeney Soomaali ah

Muqdisho Dec 05,2014(SDN/QJ)-Afhayeenka ciidamada Africa ee AMISOM  Gen. Pady Akunda ayaa jariirad ka soo baxda dalka Ugaandha sheegtay in naag Soomaaliyeed ku labeystay Muqdisho.

Afhayeenka ayaa noqonaya mid kale oo ka mida ciidamada AMISOM oo la sheegay in uu xiriir la yeesho haweeney Soomaali ah.

Waxa hore u jiray dumar Soomaaliyeed oo sheegay in ay kufsadeen qaar ka mida ciidamada AMISOM, halka dumar kalena ay sheegeen in ay askarta Africa ay afduubteen.

Afhayeenka AMISOM Gen. Akunda ayaa la sheegay in uu haweeney magaceeda lagu soo koobay Caasha oo ah turjumaan uu caashaqay isla markaana uu la socdo.

Jariirada Ugandan drone ayaa shaacisay in haatan uu jiro walaac la xiriira in ciidamada AMISOM ay haatan isu bedeeln qaar dumar doon ah halkii ay aheyd in ay fuliyaan hawlgalo amaan.

Waxa jirtay haweeney Soomaaliyeed oo hore u sheegtay in ay uur u qaaday sarkaal ka tirsan ciidamada AMISOM oo loo raray dalka Ugaanda.

SDN/QJ-Muqdisho

contact@qurbejoog.com