Paris Dec 05, 2014(SDN/QJ)-Maxkamd ku taal Yurub ayaa sheegtay in Burcad Badeed Soomaali ah oo sanadii 2008dii ay qabteen ciidamada dalka Faransiiska ay aheyd in si degdega maxkamad loo geeyo halkii xabsiga laga dhigay.
Ciidamada ayaa Buracada oo afduub ku heysaty markab France laga leeyahay ka soo qabqabtay badda Soomalaiya isla markaana maalmo ka dib France u soo kexeeyay.
Maxkamada midawga Yurub ee dacwada dhegeysatay ayaa magdhawga ay siisay mooyaane aan goaan ka gaarin xaabsiga ay ku jiraan.
Maxkamada ayaa sagaalkan ruux ee Burcada ah magdhaw ahaan u siisay 9,000 euros midkiiba.
SDN/QJ-Paris
