|

Afhayeenka Hawlgalada Ee Ciidamada Al Shabaab Oo Sheegay In Aanay Ciidamadda Dawladu Ka Hortagi Karin Weerarda Ay Qorsheeyeen Bisha Ramadan

abuBaraawe: 30,June,2014(SDN/QJ)- Sheekh C/casiis Abuu Muscab, Afhayeenka Ciidamada Ururka Al Shabaab, ayaa wuxuu ku hanjabay inay cagta marin doonaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya, ee la soo dhoobay Wadooyinka Magaalada Muqdisho.

Sheekh C/casiis Abuu Muscab, ayaa waxa uu sheegay in Ciidamadan Wadooyinka loo soo dhigay, si ay kaga hortaggaan Ciidamada Ururka Al Shabaab, balse wuxuu qeexay inaysan ka hor taggi karin.

Afhayeenka Hawlgalada ee Ciidamada Al Shabaab, ayaa waxa uu soo hadalqaaday askar Axadii shalay ahayd, siyaabooyin kala gedisan loogu dilay Magaalada Muqdisho, wuxuuna ku faanay inay iyagu geysteen.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee xilligaan Wadooyinka ka hawlgalaaya, ayuu ugu baaqay inay isaga taggaan, haddii kalana ay gaari doonto gacanta buu yidhi Mujaahidiinta.

Abuu Muscab oo la hadlay Warbaahinta ku hadasha afka Ururka Al Shabaab, ayaa waxa uu ku goodiyay inay sii wadi doonaan weerarada ay bisha Ramadaan ka geysanayaan Caasimada.

 

SDN/QJ-Baraawe

daacad@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed