|

Wasiirka Maaliyada Somalialnd Ayaa Kormer Aan La Shaacin Ku Maray Xarumaha Cashuuraha Ee Wasaradau Ku Leedahay Degmooyinka Magaalda Hargeisa

Hargeysa30 june 2014(SDN/QJ)Wasiirka wasaaradda Maaliyadda ee Somaliland Mudane C/casiis Maxamed Samaale ayaa shalay kormeer kadis ah ku soo maray xafiisyada kala duwan ee Wasaaradda Maaliyadda ee magaalada Hargeysa.

Wasiirka oo kormeerkaasi ka dib xafiiskiisa warbaahinta kula hadlay ayaa guud ahaan shaqaalaha wasaarada maaliyada ee kala duwan kula dardaarmay kordhinta dakhliga dalka bisha Ramadaan ee bilawga ah, isaga oo kula dardaarmay in ay dar-dargeliyaan shaqadda.Waxa kale oo wasiirku shaqaalaha wasaarada kula dardaarmay inay ka faa’iidaystaan fadaa’isha bisha Ramadaan.

C/casiis Maxamed Samaale oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waa bil barakaysan oo Illaahay uu umada Islaamka ah ku galaday fadaa’isha ku jirta haddii ay soon tahay iyo haddii ay salaada tahay, waxaan shaqaalaha wasaarada iyo guud ahaan shacbiga reer Somaliand ku hambalyaynayaa bisha barakaysan ee Ramadaan.Shaqaalaha wasaarada maaliyada meel ay joogaanba waxaan leeyahay ha laga faa’iidaysto fadaa’isha bisha barakaysan ee Ramadaan.

Wasiirka ayaa sidoo kale kula dardaarmay shaqaalaha in ay laban laabaan shaqadda ay qaranka u hayaan.

samale

Waxa kale oo aan leeyahay shaqaalaha wasaarada maaliyada Illaahay ha idinka abaaliyo shaqada maaliyada ee aad umadiina u haysaan, waxaa kala oo aan idin kula dardaarmayaa in bisha barakaysan ee Ramadaan aad kordhisaan dakhliga wasaarada ee bisha Ramadaan.waad ogtihiin oo bisha Ramadaan waa bil cibaado, waa bil shaqo oo waad ka warhaysaan dadkeenu bishaa Ramadaan waxaa kordha xoolo dhoofinta iy guud ahaan shaqooyinka shaqaalaha waxaan farayaa inay libinlaabaan dadaalkooda oo bishaa ay wasaarada soo galaan dakhli wanaagsani oo aad kordhisaan saacadaha shaqada ee aad bulshada u shaqeynaysaan, waxaan maanta soo kormeeray xafiisyada wasaarada maaliyada Hargeysa guud ahaan shaqada wasaaradu si fiican ayay uga socotay xafiisyadaas aan maray dhamaantood waxaan ku adkaynayaa in guud ahaan shaqaalaha wasaaradu ay bishaa dadaal dheer sameeyaan” ayuu yidhi wasiir Samaale.

Waxaana dhici kara in uu meelaha qaar dakhligoodu yaraado, sida cashuuraha aynu ka qaadno qaadka, oo bisha Ramadaan cunistiisu yaraato, waxaa jira meelo badan oo uu dakhligu kordho bishaa Ramadaan.

Wasiirku waxa kale oo uu kula dardaraamay guud ahaan shaqaalaha wasaarada maaliyada inay Alle ka cabsiga bisha Ramadaaniyo shaqadaba ka faa’iidaystaan

 

hargeisa SDN/QJ

Maxamed Aadan Qurbejog

Concat.somalidiasoporanews.com

Comments are closed