|

Afhayeenka Wakiilada Somaliland oo Hargeysa faro marnaan kula noqday

Hargeysa January 29, 2023 (QJ) – Afhayeenka aqalka Wakiilada Somaliland ayaa manta Hargeysa faromarnaan kula soo noqday ka dib safar uu dhawaan ku tegay duleedka magaalada Laascaanood oo in dhawaalaba ay ka jireen kacdoon lagu diidan yahay joogitaanka Somaliland.

Afhayeenka oo warfidiyeenka manta Hargeysa kula hadlay ayaa sheegtay in ka saaridii ciidamada Somaliland e emagaalada Laascaanood hoos u dhigtay suurtogalnimada colaado sii baaha, isla markaana sheegtay in uu Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaadayku wargeliyay in uu rajeynayo in shirka madaxdhaqameedka Laascaanood wanaag laga fisho.

Afhayeenka ayaa degaanka uu ka soo jeedo ee Laascaano waxa uu isaga iyo wefdi wasiiro ahiba u tageen dejinta kacdoonka oo u muuqata haatan in ay ku guuldareysteen.

Waxaana maalintii labaad galay shir ay madaxdhaqameedka degaanada SSC ku leeyihiin Laascaanood, shirkaa ayaa lagu wadaa in ay ka soo baxaan goaamo masiiri ah oo dadka degaanku ku diidan yihiin joogida Somaliland ee dhulkooda.

Comments are closed