|

Afur Dhoola Tus ah oo Kulmiyay Madaxweyne Siilaanyo iyo Qaybo ka Mid ah Jaaliyada Uk ee Magaalada London, Iyo Madaxweynaha oo Xaaladiisa Caafimaad ka Hadlay

London 26.July 2014 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo Fasax Caadi ah ku Jooga Magaalada London ayaa Habeenkii Xalay Kula Afuray Mid ka Mid ah Huteelada Magaaladaasi Xubno door ah oo ka tirsan Jaaliyada Somaliland ee Magaalada London .

siilaanyo669Madaxweynaha oo ay Wehelinayeen Marwadiisa,Wasiirka Waxbarashada,Safiirka Somaliland ee dalka Uk, Madax ka tirsan Sadexda Xisbi Qaran,Waxgarad,Aqoon yahano,Siyaasiyiin iyo Qaar ka Mid ah Jaaliyada Somaliland ee Ingiriiska .
Safiirka Somaliland ee Uk ayaa sheegay in ujeedada ay ufuradan u soo qaban qaabiyeen ay la xidhiidho maadaama Madaxweyne Siilaanyo uu fasax u Joogo Ingiriiska inuu wax ka ogaado xaalada bulshada Somaliland ee dalka ingiriiska ku dhaqan oo aan Mudo dheer Kulan noocan oo kale ah ku qaadan.

Xubno door ah oo Madashii Afuradaasi ka hadlay ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin imaatinka Madaxweynaha ee dalka Uk,Waxaa kale oo ay Jawaab ka bixiyeen Warar Maalmihii u danbeeyay lagu baahinayay Qaar ka Mid ah Mareegaha ku hadla Luqada Somaliga iyo Shabakada Xidhiidhka Bulshada ee Face book oo lagaga dayrinayay Xaalada Caafimaad ee Madaxweynaha qaar kalena ay sheegeen in Madaxweynuhu Geeriyooday Waxaanay ku booriyeen inaan Shacbiga loo faafin Warar Xaqiiqada ka fog oo dad dano gaar ah wataa ay Ujeedo ka dhan ah Qaranimada Somaliland ka leeyihiin.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu ugu horayn u mahad celiyay xubnaha qurbo-jooga reer London ee xafladaasi u sameeyay, waxaanu yidhi    “Jaaliyadda reer UK ee halkan iskugu timi iyo marti-sharafta kale aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin sida sharafta leh ee halkan noogu soo dhaweyseen waan idiinka mahad celinayaa,  dalkii warkiisi waad haysaan waxba idin kama dhina dal dimuqraadi ah ayaynu nahay dimuqraadiyada qaarba si ayay u fahmaan dad badan ayay dimuqraadiyada iyo Tignoolajiyaduba  u danaysay laakiin waxa wanaagsan Alle ha ina tuso,  dalkan waxa badan ayaa laga qabtay oo iska bedalay  mudadii aanu joognay oo laga qabtay dhinacyada caafimaadka, waxbarashadda iyo adeegyadda kaleba.”

Madaxweynaha Somaliland waxa uu sheegay in maadaama oo aynu nahay dal dimuqraadi ah ay u adkaysan doonaan wixii dhaliil lagu toosinayo, isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Dal dimoqraadi ah ayanu nahay ma dhaliil li’in oo ma diidayno dhaliil waxa la qabtay-na ma yara, waanu u adkaysanaynaa oo diyaar ayaanu u nahay oo waanu qaadanaynaa wixii toosina. Jaaliyada reer Somaliland  waan u mahad celinaynaa kaalinta ay dalka kaga jiraan mar walba.”

Madaxweynaha oo ka hadlayay warar ka dayrinayay caafimaadkiisa oo lagu baahiyay shabakadaha Internet-ka qaarkood, waxa uu yidhi “Caafimaadkayga ayay wax ka sheegaan (saxaafaddu) waanigaa caafimaadka  qaba ee idin hor-jooga wixii run ah ayaa iska soo bixi doona,   Illaahay baan ugu mahad-naqayaa caafimaadka  uu I siiyay iyo masuulka ummada iiga dhigay labadaba.”

Madaxweynaha Somaliland waxa uu xafladaasi ka ammaanay Wasiirka waxbarashadda oo uu xusay inay wax badan ka qabatay horumarinta tacliinta mudadii ay xukuumadiisu jirtay.

Geesta kale Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo waxa uu Sheegay inuu Maalinta Ciida Farxada la wadaagi doono Jaaliyada Somaliland ee Ingiriiska ku dhaqan siiba kuwa ku nool Magaalada London.

Kulankan ayaa intii uu socday la isku dhaafsaday Warbixino ay soo jeediyeen Jaaliyada Uk oo cadeeyay inay Markasta u heelan yihiin sidii ay qaybta ugu weyn uga qaadan lahaayeen Mashaariicda kala Gedisan ee ka socda Dalkooda Somaliland.

London SDN/QJ.

contact@qurbejoog.com

Comments are closed