|

Weli Ma is Weydiisay Sababta ay Dad Badani Uga Cabsadaan Tirada 13ka?

Berlin 17. July 2017 (SDN/QJ):- Odayga Arnold Walter Schoenberg wuxu ku dhashay dalka Austria bishii  Septemebr 13, sanadki 1874 wuxu lahaa xirfadda muusiga, gabayga waxaanu noqday maamulihii dugisgii Muusiga ee Viennese ee Jarmalka, waxaana uu xooga saaray musiga markii u soo baxay xisbigii Hitler maadaama uu ahaa dhalasho ahaan nin ka soo jeeda Yuhuudda.

Sanadakii 1934 ayuu Maraykanka u guuray.

Ninkani wuxu caan ku yahay inuu ahaa ninka soo saaray cabsida laga qabo numbarka 13-ka ee Yurub iyo Maraykanka caanka ka ah.

Wuxu odhan jiray numabarka masiibada ah, xataa tirada marka uu tiranayo ee uu soo gaadho 13 wuxu ugu dhowaaqi jiray 12A. Bishii July 13 maalin Jimaha ayuu gurigiisa ka soo bixi waayay isagoo sheegay in maalintaasi oo ahayd Jimce 13 Bisha ay tahay maalin isaga ay masiibo ku dhacayso.

Waxaana uu iska jiifay sariirtiisa isagoo xanuun weyn oo werwer ahi naftiisa saameeyay.

Waxaana la sheegay inay naftu ka baxday marakay saacaddu ahayd 11:47 daqiiqo habeenimo, taasi oo iyana marka la isku daro ah tirada 13. wakhtigaasi da’adiisu waxay ahayd 76 sano tirade 13.  Wakhtigan dalalka aan islaamka ahayn dadka ku nool badankoodu maalinta Jimcaha ee ku beeganta taariikhada 13 aad ayay uga cabsadaan. Waxaana ay salka ku haysaa cabsida Arnold.

Comments are closed