Uncategorized

Akadamiyadda Nabadda Iyo Horumarinta Somaliland Oo Shaaciyey In Madax dhaqameedka Sii Badanayaa Ammaanka Halis Ku Yihiin

Hargeysa:Mar,14,2015(SDN/QJ)-Akadamiyadda Nabadda iyo Horumarka Somaliland, ayaa shaaca ka qaadday in tiro-dhaafka Madax dhaqameedka dalku halis ku yihiin nabadda iyo wada jirka shacabka, isla-markaana ammaandarro dhaliyaan.

PEACAxmed Maxamd Diiriye oo  Madaxa Barnaamijyada ee Akadamiyada nabadda iyo horumarinta somaliland oo Idaacadda BBC-da la Hadlay, ayaa sheegay cilmi-baadhisyo badan ay sameeyeen inay halis ammaan ee madax-dhaqameedka sii badanaya ku xaqiijiyeen,  “Cilmibaadhisyada la smeeyey, ayaa sheegaya in badnaanta madaxdhaqameedku uu  keenayo nabadgelyo darro  khilaafka dhexdooda ka jira ayaa meesha ka saaray wada jirkii beesha oo wax baa la kala riixanayaa.”ayuu yidhi Axmed MaxamedDiiriye.

Madaxa Barnaamijyada oo hadalkiisa sii wata, ayaa ka Hadlay Madax-dhaqameedka Siyaasadda soo gelaya ee Warbaahinta ka sheegaya Fikir ay tilmaamayaan inay beeshoodu aaminsan tahay, waxana uu yidhi,

“Waa wax laga xishoodo marka la arko dad sheeganaya reer Hebel oo Warbaahinta imanaya, waxana aan jeclaa in xeer laga soo saaro. waxa fiicnaan lahayd in sida la isku kala jiidanayo aan  bulshada lagu kala dilin. Siyaasiyiin isla beesha ah oo  dhinacyo kala duwan  kala taageersan ayaa Madax dhaqameedka qudhooda kala jiita.”

Somaliland beryahan dambe waxa kusoo badanayey madax-dhaqameedka, waxana beelaha intooda badani yeesheen Madax-dhaqameed ka badan intii ay hore u lahaan jireen, iyadoo ay taasi kordhisay Kala fogaantii iyo khilaafkii beesha.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com