New york:Nov,18,2014(SDN/QJ)-Walk Free oo ah Hay’ad ku Hawllan arrimaha Dadka caalamka ku Nool ee wali addoonsiga loo Haysto, ayaa soo saartay tiro dad ah oo caalamka lagu addoonsado sidii waayo waayo dhici jirtey.
Hay’adan oo xarun ku leh dalka Australia ayaa shaacisay in 36 milyan oo qof ay ku jiraan Nolol aad u liidata oo Adoonsi ku saleysan, taas oo ah wax aan maanta cidiba filaynin.
Walk Free ayaa Warbixin ay soo saartay ku xustay in Dalalka India, China ,Pakistan ,Uzbekistan ,Russia ,Nigeria , Democratic Republic of Congo ,Indonesia , Bangladesh iyo Thailand ay yihiin Wadamada ugu xun ee adoonsigu uu ka dhaco.
Addoonsiga ayaa dambi looga aqoonsaday Dalalka Caalamka marka laga soo tago dalka Waqooyiga Kuuriya oo caadi uu ka yahay Adoonsigu.
Boqolaal sano ka hor ayey ahayd markii uu addoonsigu ka jirey Dunida inteeda Badan, gaar ahaan reer Galbeedka, waxana dhibka intiisa badani uu ku dhici jirey Dadka Reer Afrika, balse muddooyinkii dambe ee ilbaxnimooyinku dhaceen arrimahaasi waa suuleen inkastoo haatan ay soo baxayaan wararkan sheegaya in Kumananaan kun oo qof loo haysto Addoonsi wali.
SDN/QJ
