Hargeysa:Nov,18,2014(SDN/QJ)-Ciidanka Booliska somaliland, ayaa Maalintii shanaad gacanta ku Haya Farshaxanka Xasan Ibraahim Nuur(Ganey) oo ah Farshaxan naqshadaynta sawirrada iy qoraallada caan ku ah, kaas oo lagu haysto inuu Calamo uu leeyahay xisbiga waddani uu sameeyey.
Wararka aanu Hayno ayaa sheegaya in Farshaxankan iyo mid kamid ah shaqaalihiisa ciidamada ammaanku xabsiga dhigeen kadib markii la sheegay inuu farsameeyey astaamo uu leeyahay xisbiga waddani oo ay dhawaan xurgufi soo kala dhexgashay xukuumadda.
Xasan-ganey oo caan ka ah Magaalada Hargeysa, ayaa waxa uu Meherad Ganacsi oo samaysa Boodhadhka, calamaanta iyo sawirrada Gacanta lagu qurxiyo ku leeyahay kasoo horjeedka Garoonka Kubadda Kolayga ee Tima-cadde, waxana ciidanku la baxeen Habeennimadii sabtidii ee loo ballansanaa in Guddoomiye Cirro Kursiga laga tukhaantukhiyo.
Xasan-ganey ayaa xilligii la xidhayey waxa sida la sheegay uu ku Hawllanaa qurxinta Calamaan Xisbiga waddani leeyahay, waxana xukuumaddu ka shakiday inuu samaynayey Calamaantii Mudaharaadka loogu talogalay.
ilaa hadda maamulka boliiska sida jananka boliiska kama aanay hadal muwaadiniintaa sharci darada ugu xidhan saldhiga dhexe,waxaana la odhan karaa xadhigan loo geystay labadan muwaaadin inuu salka ku hayo arrimo xafiiltanka ay xukuumaddu bilawday beryahan ee ay ku hayso guddoomiyaha golaha wakiilada sidoo kalena ah kan xisbiga Waddani.
SDN/QJ
