Al Shabaab oo burburiyay xarun isgaarsiin

Wajeer December 29, 2023 (QJ) -Xubno ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xarunta Shirkadda Isgaarsiinta Safaricom oo ku taalla magaalada Caana-dhasheega ee dalka Kenya, una dhow magaalada Wajeer.

Iska hor imaad saacado badan socday ayaa u dhaxeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya ee ilaalada ka haya xarunta iyo maleeshiyada Al-Shabaab. Si kastaba ha ahaatee, markii dambe ciidamadii Soomaaliya ayaa goobta isaga baxay.

Wararka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay burburiyeen xarunta Isgaarsiinta Safaricom ee Caana-dhasheega, balse lama oga khasaaraha ka dhashay.

Dowladda Kenya ayaan weli ka hadlin weerarkan Al-shabaab ay ku qaadeen xarunta Safaricom ee magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Al-Shabaab ayaa horay weeraro noocaan oo kale ah waxa ay uga fuliyeen gobolka Waqooyi Bari oo ay ku beegsadeen goobo ay ku sugnaayeen dad rayid ah iyo kuwo kaabayaashii dhaqaalaha.