|

Al Shabaab oo burburiyay xarun isgaarsiin

Wajeer December 29, 2023 (QJ) -Xubno ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xarunta Shirkadda Isgaarsiinta Safaricom oo ku taalla magaalada Caana-dhasheega ee dalka Kenya, una dhow magaalada Wajeer.

Iska hor imaad saacado badan socday ayaa u dhaxeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya ee ilaalada ka haya xarunta iyo maleeshiyada Al-Shabaab. Si kastaba ha ahaatee, markii dambe ciidamadii Soomaaliya ayaa goobta isaga baxay.

Wararka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay burburiyeen xarunta Isgaarsiinta Safaricom ee Caana-dhasheega, balse lama oga khasaaraha ka dhashay.

Dowladda Kenya ayaan weli ka hadlin weerarkan Al-shabaab ay ku qaadeen xarunta Safaricom ee magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Al-Shabaab ayaa horay weeraro noocaan oo kale ah waxa ay uga fuliyeen gobolka Waqooyi Bari oo ay ku beegsadeen goobo ay ku sugnaayeen dad rayid ah iyo kuwo kaabayaashii dhaqaalaha.

Comments are closed