|

Al Shabaab oo dilay 51 ka miad ahaa Gorgor

Muqdisho March 25, 2023 (QJ) – Dagaal u dhaxeeya Al Shabaab iyo Ciidamada Milatariga Soomaaliya gaar ahaan kuwa Kumaandooska ee Gorgor ayaa ka dhacay degmada Ruun-nirgood ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Sida ay sheegayaan wararka magaalada Ruun-nirgood waxaa ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamada Al Shabaab iyo ciidamada Kumaandooska ee Gorgor. Al Shabaab ayaa guulo la taaban karo ka sheegtay weerarka, waxayna sheegeen inay ku dileen 51 askari, ayna ku burburiyeen 8 gaari oo kuwa dagaalka ah.

“Khasaaraha cadowga kasoo gaaray ciidamada mujaahidiinta ee weerarka ku qaaday saldhigga ciidamada ee Ruun-nirgood waxaa ku dhintay 51-askari oo isugu jiray ciidamada Kumaandooska ee Gorgor ee Turkigu tababaray iyo askartii caadiga ahayd, 9 gaari oo ciidamada ay adeegsanayeen dagaalka ayaa lagu burburiyay 8, midna waa lagu burburiyay. waa la qabtay,” ayuu yiri Sheekh Abuu-Muscab, afhayeenka Al-shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin weerarka ay Al-shabaab ku qaadeen deegaanka Ruun-nirgood, balse saraakiisha qaar ayaa warbaahinta gudaha u sheegay inay khasaare gaarsiiyeen.

Comments are closed