|

Danab oo iska fogeysay dagaalka Laascaanood

Muqdisho March 25, 2023 (QJ)-Warar saxaafadu baahisay ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano Danab ay ka qeyb qaadanayaan dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Taliyaha Ciidanka Danab Gaashaanle Sare Axmed C/laahi Nuur “Beeryare” ayaa dafiray in qaar ka mid ah ciidamadiisa ay ka qeyb qaadanayaan iska horimaadyada dhexmaraya ciidamada Somaliland iyo dadka deegaanka ee  magaalada Laascaanood.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu Kornayl Beeryare ku beeniyay in mid ka mid ah askartiisa uu ku dhintay dagaalka.

“Waxaa muhiim ah inaan kala caddeeyo in shakhsiga lagu sheegay warbixinnada dhawaan la daabacay ee ah Maxamed Sulaymaan, uu hore sarkaal uga soo noqday ciidammada Danab ee milateriga Soomaaliya, uuna sababo isaga u gaar ah uga tegay shaqada 2021.Waxaan xaqiijin karnaa inuusan ninkaasi wax howl ah oo rasmi ah u hayn ciidammada Danab waqtiga uu ku dhimanayay dagaalka ka socda Laascaanood” ayuu yiri Korneel Beeryare.

Sidoo kale waxa uu carabka ku dhuftay in ciidamada Danab ay ka go’an tahay in aysan ku lug yeelan dagaalada salka ku haya aanooyinka qabiil,islamarkaana ay sii wadi doonaan howlgalada ladagaalanka argagixsada.

War dhawaan ay baahisay BBCda ayaa lagu sheegaya in Maxamed Saleebaan oo ahaa sarkaal ka tirsan ciidamada Danab lagu dilay dagaal ka dhacay Laascaanood.

Comments are closed